Shir AMISOM uga socda dalka Kenya

Ciidanka Soomaaliya
Image caption Shirka AMISOM ee Kenya waxaa looga hadlayaa taakulaynta ciidammada Soomaaliya.

Dowladada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa ku shiraya dalka Kenya maalmo kaddib markii Soomaaliya ay ku baaqday in Kismaayo la geeyo ciidammo isku dhaf ah.

War saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa sheegay in laga hadlayo wada shaqeynta iyo in lais weydaarsado wararka sirdoonka.

Ergayga Midowga Afrika u fadhiyo Soomaaliya Mohamet Saalax Annadif ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab uu haatan beddelay sida uu u shaqeeyo.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si wacan loo wada shaqeeyo si looga hortago weerarrada dhuumaalysiga ee Al-Shabaab.

Waxaa kale oo shirka looga hadlayaa sidii loo xoojin lahaa ciidammada ammaanka Soomaaliya.

Warka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in ciidammada Soomaaliya ay noqdaan kuwa wax ka qaban kara xaaladaha ammaan darro ee dalka.

Shirka ayaa ku soo beegmayo iyadoo Soomaaliya ay horey ugu baaqday in Kismaayo la geeyo ciidammo isku dhaf ah oo aan dhinac la jirin.

Ciidammada Kenya oo ka tirsan AMISOM ayaa gacanta ku haayo Kismaayo.

Soomaaliya ayaa ku eedeeysay in aanay dhexdhexaad ka ahayn loollanka dhanka awoodda ah ee la xiriira cidda maammulayso Kismaayo