Dad ku dhintay iskahorimaadyada Masar

Taageerayaasha Mursi
Image caption Taageerayaasha Mursi ayaa sii wado dibedbaxyada ay ku dalbanayaan in xukunka lagu soo celiyo.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhimatay iskahorimaadyo dhexmaray taageerayaasha iyo mucaaradka madaxweynihii xilka laga qaaday ee Masar, Maxamad Mursi.

Dad gaaraya 40 ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay iskahorimaadyadaas.

Kooxo iska soo horjeeda oo kala taageersan labada dhinac ayaa magaalada Qaahira isku weydaarsaday dhagexaan.

Boliiska aya adeegsaday sunta dadka kaga ilmaysiisa si ay u kala diraan dadka dibedbaxayay.

Boliisku waxay sheegayaan inay xireen 20 ruux oo ka tirsan taageerayaasha Mursi oo lagu eedeynayo inay haysteen hub sharci darro ah.

Taageerayaasha Mursi ayaa sii wado dibedbaxyo ay ku dalbanayaan in xukunka lagu soo celiyo.

Lama oga halka lagu hayo Mursi tan iyo markii militerigu xukunka ka tuureen saddex toddobaad ka hor.

Afhayeen u hadlay militeriga ayaa sheegay in Mursi lagu hayo meel aamin ah oo loola dhaqmayo si wanaagsan.