Dowladda Koonfurta Sudan oo la kala diray

Salva Kiir
Image caption Salva Kiir Mayardit waxaa uu kala diray golahii wasiirrada

Madaxweynaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir Mayardit, ayaa xilka ka qaaday madaxweyne kuxigeenkii dalka, sidoo kalena kala diray golahii wasiirrada.

Waxaa kale oo xilkiisa laga qaaday Pagan Amum, oo ah ninkii hoggaminayay wafdiga Koonfurta Sudan ee ka qeybgalayay wadahadallada uu dalkaasi kula jiro Sudan.

Amum ayaa sidoo kale ahaa xogyahii guud ee xisbiga talada haya ee SPLM.

Warbixinta madaxweynaha ka soo baxday ayaa lagu sheegay in baaritaan lagu samayn doono Amum, oo lagu haysta in uu si xun u maamulay SPLM.

Diblumaasiyiinta reer galbeedka ayaa ka cabsi qabo in dalkaas uu galo qalalaaso siyaasadeed.

Dalka Koonfurta Sudan waxaa ka jiro dhabaatooyin ay ka mid tahay ismariwaaga u dhexeeya iyaga iyo Sudan oo la xiriira dhoofinta shidaalka koonfurta oo la sii mariyo Khartoum.

Waxaa kale oo ka jiro dagaallo qabiil iyo welibo fallaago hubaysan oo la dagaallamayso dowladda.

Madaxweyne kuxigeenka haatan xilka laga qaaday ayaa horey u sheegay, in laga yaabo in madaxweynaha uu kula tartamo hoggaanka xisbiga talada haya ee dalkaas.