QM oo ku baaqday in la soo daayo Mursi

  • 26 Luulyo 2013
Taagerayaasha Mursi
Dibedbaxyo iska soo horjeeda ayaa laga filayaa Masar

Masar ayaa laga filayaa dibedbaxyo iyadoo Qaramada Midoobey ay ku baaqday in la soo daayo madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee uu ka tirsanaa Mursi ayaa ku baaqey dibedbaxyo lagu dalbanayo in xukunka lagu soo celiyo.

Hoggaamiyaha diiniga Maxamad Badiic ayaa ugu baaqay taageerayaasha Mursi inay isu soo baxaan.

Taliyaha militeriga Masar, Cabdifataax al-Sisi, ayaa isaguna ku baaqay dibedbaxyo lagu taageerayo ciidanka.

Waxaa uu codsaday in dadka ay isu soo baxaan si ay militeriga iyo boliiska u siiyaan awood ay ugu hortagaan waxa uu ugu yeeray "argegixisada".

Waxaa sii kordhayo walwalka iyo cabsida ay dunida ka qabto Masar.

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay militeriga Masar inay soo daayaan madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Murs.

Ban Ki-Moon waxaa uu sidoo kale ku baaqay in la soo daayo madaxda ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee xiran.