Dowladda Masar oo xirtay Maxamad Mursi

Taageerayaasha Mursi
Image caption Taageerayaasha Mursi ayaa dibedbaxayo toddobaadkii afaraad.

Mas'uuliyiinta dalka Masar ayaa amray in la xiro madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi.

Maxkamad ku taalla dalkaas ayaa xuukuntay in Mursi la xiro muddo 15 maalmood ah si su'aalo loo weydiiyo.

Waxaa loo haystaa dambiyo la sheegay in uu galay intii ay socdeen kacdoonkii looga soo horjeeday Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Xusn Mubarak laba sano ka hor.

Arrintan ayaa imaanaysa iyada oo taageerayaasha labada dhinac ay isu diyaarinayaan banaanbaxyo waaweyn.

Dibedbaxyada ayaa la filayaa in laga dhigo Qaahira iyo gobollada dalka oo dhan.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee uu ka tirsanaa Mursi ayaa ku baaqey dibedbaxyo lagu dalbanayo in xukunka lagu soo celiyo Mursi.

Hoggaamiyaha diiniga Maxamad Badiic ayaa ugu baaqay taageerayaasha Mursi inay isu soo baxaan.

Taliyaha militeriga Masar, Cabdifataax al-Sisi, ayaa isaguna ku baaqay dibedbaxyo lagu taageerayo ciidanka.

Waxaa uu codsaday in dadka ay isu soo baxaan si ay militeriga iyo boliiska u siiyaan awood ay ugu hortagaan waxa uu ugu yeeray "argegixisada".

Waxaa sii kordhayo walwalka iyo cabsida ay dunida ka qabto Masar.

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay militeriga Masar inay soo daayaan madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Murs.

Ban Ki-Moon waxaa uu sidoo kale ku baaqay in la soo daayo madaxda ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee xiran.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan