77 ruux oo ku dhimatay shil Tareen Spain

Shil Tareen
Image caption Ugu yaraan 60 ruux ayaa ku dhimatay shil Tareen oo ka dhacay dalka Spain

Ugu yaraan 77 ruux ayaa ku dhimatay shil Tareen oo dhacay woqooyi galbeed ee dalka Spain.

Wararku waxay sheegayaan in tira kale oo intaa ka badan ay dhaawacmeen kaddib markii Tareenkii ay saarneeyeen uu ka weecday waddada.

Tareenka ayaa waxa uu shilka ku galay waddo u dhow magaalada Santiago de Compostela, waxa uuna u socdaalayey magaalooyinka Madrid iyo Ferrol.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen sawaxan iyo sidoo kale ay arkayeen qeyba ka mid ah Tereenka oo wadada ka baxday inta uusan istaagin.

Waxaa Tareenka ku safrayey in ka badan 200 oo ruux , waxaana loo maleeynayaa in qaarkood ay weli ku xanniban yihiin qeybaha burburay ee Tareenka.

Dowlada ayaa sheegatay inay baarayso waxa sababay shilka Tareenka.

Masuuliyiinta deegaanka uu shilka ka dhacay ayaa ka codsaday dadweynaha inay ku tabarucaan dhiiggooda.

Dadka la socda arrimaha Spain ayaa sheegaya in shilkan Tareenka uu yahay kii ugu xumaa oo Dalkaasi ka dhaca mudo Afartan sanno ah.