Taalibaan oo ka naxday toogashadii Malala

Taliban
Image caption Dabley ka tirsan ururka Taalibaan oo madaxa ka toogtay gabar u ololeysa waxbarashada gabdhaha.

Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Taalibaan ee dalka Pakistan, ayaa warqad u qoray gabar arday ah oo ay horey u toogteen ururkaasi.

Malala Yusufzai oo u ololeysa waxbarashada gabdhadha ayaa dhowr bilood ka hor laga toogtay madaxa.

Dabley ka tirsan ururka Taalibaan ayaa lagu eedeeyay toogashadaas, Malalana waxaa loo qaaday dalka Britain, halkaas oo lagu daweynayay.

Ururka Taliban ayaa si weyn loogu cambaareeyay isku dayga ay ku dili rabeen Malala.

Malala ayaa dunida looga aqoonsaday gabar go'aan adag leh oo nafteeda u hurtay waxbarashada gabdhaha.

Warqadan uu soo qoray hoggaamiyahan oo lagu magacaabo Adnan Rashiid, ayuu ku sheegay inuu jeclaan lahaa in weerarka uusan dhicin.

Rashiid ayaa sheegay inuu ka naxay dhaawicii ay gabadhani u geysteen xoogagga Taalibaan sanadkii tegay.

Mar ay caalamka kala hadlaysay xarunta Qaramada Midoobay toddobaadkii hore, ayaa Malala waxay sheegtay in dadka xagjirka ah ay ka cabsadaan buugga iyo qalinka.