Gabar tahriib ah oo magdhow la siinayo

Tahriibayaal
Image caption Dadka u tahriiba Malta waxay sii maraan badda

Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Midowga Yurub ayaa gabar Soomaali ah u xukuntay in la siiyo kumanaan kun oo doolar oo magdhow ah.

Maxkamaddan ayaa ku amartay dowladda Malta in gabadha Soomaalida iyo nin u dhashay Sierra Leone ay isku siiso lacag gaarayso 80,000 oo doolar.

Maxkamadda waxay sheegtay in gabadha Soomaaliyeed xabsiga lagula dhaqmay si aan munaasab ahayn.

Mas'uuliyiinta Malta ayaa lgu eedeyay inay la daaheen jawaabta dalab magangelyo siyaasadeed ah oo ay gudbisay gabadhaas Soomaalida.

Malta, oo ah jasiirad yar oo ku taalla Yurub, ayaa waxaa ku soo qulqulo dad tahriibayaal ah oo ka soo gudbo Afrika.

Waxay ka codsatay waddamada kale ee Midowga Yurub inay ka caawiyaan ka hortagga tahriibayaasha.