Xisbullah oo lgu daray liiska argegixisada

Xisbullah
Image caption Taageerayaasha Xisbullah

Midowga Yurub ayaa garabka militeri ee ururka Xisbullah ku daray liiska ururrada argegixisada ah.

Wasiirrada arrimaha dibedda ee Midowga Europe, ayaa maanta ka shiraya in go'aan ay ka gaaraan garabka militeri ee Xisbullah.

Waddamada Yurub ee taageersan in ururka lagu daro liiska argegixisada ayaa sheegaya inay jiraan caddeymo muujinaaya in Xisbullah uu mas'uul ka ahaa weerar bambaano oo lagu qaaday safaaradda Isra'iil ay ku leedahay dalka Bulgaria.

Weerarkaas oo dhacay sanadkii tegay ayaa waxaa ku dhimatay lix ruux.

Ururka Xisbullah ayaa horey u sheegay in uusan ku lug lahayn weerarkaas.

Tallabadan ayaa mamnuuc uga dhigi doonto diblumaasiyiinta Yurub inay la kulmaan qof ka socda qeybta militeriga ee ururkaas.

Waxaa kale oo ku adgaan doonto taageerayaasha Xisbullah ee ku nool Yurub inay lacag u xawilaan ururka.

Midowga Yusub ayaan horey ururkan ugu darin liiska argegixisada, laakin haatan waxaa la sheegayaa in dhibaatadu ka dhalatay taageerada militeri ee uu Xisbullah u fidiyay dowladda Suuriya.