Xisbullah oo ku gacanseyray go'aanka Yurub

  • 23 Luulyo 2013
Nasrallah
Image caption Xasan Nasrallah waa hoggaamiyaha ururka Xisbullah

Xisbullah ayaa ku gacanseyray go'aanka wasiirrada arrimaha dibedda ee Yurub ay ugu dareen liiska ururrada argegixisada.

Ururka waxaa uu si cara leh uga jawaabay go'aanka Midowga Yurub ay ku gaareen in garabka militeri ee ururka ay ku daraan liiska ururrada argegixisada.

Xisbullah aya go'aankaasi ku tilmaamay mid cadowtinimo iyo caddaalad darro ah.

Ururka Xisbullah waxaa ka howlgalaa dalka Lubnaan, waxaana uu dagaal dheer koonfurta Lubnaan kula galay Isra'iil.

Haatan Xisbullah, waxaa uu qeyb ka noqday dagaalka Suuriya, isagoo taageera militeri siinaya dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad.

Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in wadooyin diblumaasiyadeed ay u adeegsan doonto ka hortagga go'aanka Midowga Yurub.

Yusub ayaa sheegtay inay jiraan caddeymo muujinayo in ururku ku lug lahaa weerar lagu qaaday safaaradda Isra'iil ee dalka Bulgaria.

Xisbullah ayaa horey u sheegay in uusan ku lug lahayn weerarkaas.

Tallabadan ayaa mamnuuc uga dhigi doonto diblumaasiyiinta Yurub inay la kulmaan qof ka socda qeybta militeriga ee ururkaas.

Waxaa kale oo ku adgaan doonto taageerayaasha Xisbullah ee ku nool Yurub inay lacag u xawilaan ururka.