Israaiil oo sii deyneysa maxaabiis Falastiin

Image caption Maxaabiis Falastiin ah oo laga sii daayay xabsiyada Israaiil muddo hore

Dowladda Israaiil ayaa sheegtay inay qorsheyneyso in ay sii deyso wax ay ugu yeertay tira kooban oo maxaabiista Falastiin ah.

Arrintan waxaa ku dhawaaqay wasiirka xiriirka caalamiga ee Israaiil Yuval Steinitz.

Mr Steinitz ayaa waxa uu sheegay in qaarkood ay xabsiga ku jireen ilaa soddon sano laakiin ma sheegin wax tiro cayiman ah.

Arrintan waxa ay soo baxday maalin kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, John Kerry, uu sheegay in wada hadalkii nabadda ee tooska ahaa ee u dhaxeeyay Israaiil iyo Falastiin la bilaabi doono markii ugu horreysay muddo saddex sano ah.

Waxa uu sheegay in wada xaajoodka hor u dhaca ah ay ka bilaaban doonaan magaalada Washington toddobaad ama wax la mid ah gudihiis.