Wiilka reer boqor oo la geeyay qasriga

  • 23 Luulyo 2013
Ammiradda oo ka baxaysa cusbitaalka
Amiiradda oo ka baxaysa cusbitaalka

Kate Middelton iyo Amiir William ayaa habeenkii ugu horreeyay ku dhamaystay qasriga boqortooyada kaddib markii ay ka soo baxeen isbitaalka.

Kate Middleton, xaaska Amiir William oo ah qofka labaad ee leh dhaxalka Boqortooyada dalkan Britain ayaa Isniintii wiil ugu dhashay isbitaalka St Mary’s ee magaaladatan London.

Waxanu noqonayaa wiilkan cusubi qofka saddexaad ee leh dhaxalka boqortooyada dalkan Ingiriiska, inta ka hoorraysana waxa laga dhigay Amiirka Cambridge.

Amiir William ayaa la sheegay inuu dhinac joogay xaaskiisa Kate markii ilmuhu dhalanayay. Waxa uu sheegay in isaga iyo xaaskiisa ay aad ugu farxeen, isla markaana ay u tahay waqti gaar ah oo aad ugu weyn.

Boqorada Elizabeth II, Amiir Philippe iyo dhammaan reer boqor ayaa la sheegay inay ku farxeen warka ku saabsan dhalashada wiilkan.

Raiisul wasaaraha Britain, David Cameron oo isna ka hadlay dhalshada ayaa sheegay in war lagu farxo uu yahay isla markaana dalka oo dhan in ay dadka u dabaaldegi doonaan oo ay u hambalyeyn doonaan lamaanaha.

Amiir William iyo Kate

Siyaasiyiin badan ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Duke iyo Duchess-ka Cambridge.

Dad badan oo faraxsan ayaa isugu soo baxay isbitaalka uu ku dhashay wiilkan reer Boqor oo u dabaaldegaya, sidoo kale waxaa dad kale oo badan ay hor dhoobnaayeen cusbitaalka iyo weliba aqalka Boqortooyada iyaga oo ku faraxsan, ilaa iyo intii qoyskani cusubi ay ka baxayeen cusbitaalkan.