Dhibaatada gudniinka fircooniga

Image caption Soomaaliya ayaa ah dalka ugu badan ee gabdhaha sida fircooniga loo gudo

In ka badan 30 milyan oo gabdho ah ayaa halis ugu jira in lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah tobanka sano ee soo socota sida lagu sheegay warbixin ay sameysay hey'adda Unicef.

Warbixintu waxa ay sheegtay in in ka badan 125 milyan oo gabdho yar yar iyo dumarka waaweyn ah oo maanta nool ay mareen oo lagu sameeyay gudniinka oo hadda ay ka soo horjeedaan inta badan dadka ku nool dalalkaasi caadadu ay ka jirtay.

Gudniinka fircooniga ayaa waxa looga dhaqmaa dalal ka tirsan qaaradda Africa, Bariga Dhexe iyo bulshooyinka qaaradda Aasiya, halkaasi oo ay rumeysan yihiin in gudniinku ilaalinayo gabarnimada haweeneyda.

Hey'adda Unicef waxay dooneysaa in la qaado tallaabo lagu dhameynayo gudniinka fircooniga.

Image caption Qariiradda dalalka laga isticmaalo gudniinka fircooniga