Wafdi Midowga Yurub oo jooga Masar

Taageerayaasha Mursi
Image caption Taageerayaasha Mursi oo muddo bil ah sii wada dibedbaxyada lagu doonayo in xukunka lagu soo celiyo.

Mas'uul sare oo ka socda Yurub ayaa joogta Qaahira si ay u dejiso xiisadda kulul ee ka taagan Masar.

Tan ayaa ka dambeysay dilkii 70 ruux oo ka tirsan taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday Maxamad Mursi.

Catherine Ashton, oo Midowga Yurub u qaabilsan siyaasadda arrimaha dibedda, ayaa kulan la qaadatay madaxweynaha KMG.

Waxaa la filayaa in shir kale ay la yeelata mas'uuliyiin ka socota ururka Ikhwaanul Muslimiinka, oo uu ka tirsan yahay Mursi.

Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sii wada dibedbaxyadooda in kasta oo loo digay.

Guddiga Amniga dowladda ayaa uga digay taageerayaasha Mursi inay tegaan goobaha ciidanka nabadsugidda.

Hasa ahaatee, habeenkii xalay ayay kumanaan kun oo ka tirsan taageerayaasha Mursi waxay gaareen xarunta nabadsugidda magaalada Qaahira.

Afhayeen u hadlay Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegay in dibedbaxayaashu si nabad ah ugu soo noqdeen goobta ay degan yihiin.

Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sidoo kale ugu baaqey taageerayaashooda inay ku hor dibedbaxaan xarumaha nabadsugidda ee magaalooyinka dalkaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan