Wadahadallada Falastiin oo billaabanaya

Dhimayaasha Isra'iil ee ku yaalla dhulka reer Falasdhiin
Image caption Dhismayaasha Isra'iil ee ku yaalla dhulka reer Falasdhiin ayaa caqabad ku ahaa wadahadallada

Maraykanka ayaa ku dhawaaqey in wadahadallada u dhexeeya Isra'iil iyo reer Falastiin ay dib u billaaban doonaan maanta.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in xubnaha wafdiyada reer Falastiin iyo Isra'iil ay oggolaadeen inay sii wadaan wadahadalka u dhexeeya labada dal.

Waxaa wafdiyadaas laga filayaa inay gaaraan Maraykanka halkaas oo ay ku wadahadli doonaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegaysa in wadahadallada ay billaaban doonaan galabta Isniinta.

Wadahadallada u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Isra'iil ayaa istaagay saddex sano ka hor.

Madaxweynaha Falasdhiin Maxamuud Cabaas ayaa dalbaday in la joojiyo dhismayaasha Isra'iil ee laga dhisayo dhulkooda ka hor intaan dib loo furin wadahadallada.

Dadaallo diblomaasiyadeed ee uu waday xoghaya arrimaha dibedda ee Maraykanka, Joh Kerry ayaa suuragl ka dhigay in ay dib u billawdaan wadahadallada.

Kerry ayaa lix jeer booqday Bariga Dhexe shantii bilood ee la soo dhaafay, si uu ugu qanciyo labada dhinac in wadahadallada ay billawdaan.

Golaha wasiirrada ee Isra'iil ayaa ansixiyay in la sii daayo in ka badan 100 maxabuus oo reer Falastiin ah, maalin ka hor furitaanka wadahadallada.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan