Assange oo cambaareeyay Maraykanka

Assange
Image caption Julian Assange ayaa asaasay bogga Wikileaks ee lagu daabaca qoraallada sirta ah.

Ninka asaasay bogga daabaca qoraallada sirta ee Maraykanka ayaa cambaareeyay dambiga lagu helay askeri u soo gudbiyay qaar ka mid ah sirta uu faafiyay.

Julian Assange ayaa sheegay in ku helidda Manning dembiga basaasnimada ah, ay tahay mid khatarteeda leh.

Waxaana uu ku eedeeyay dowladda Maraykanka xagjirnimo marka loo eega ammaanka qarankeeda.

Maxkamad militery oo ku taalla dalka Maraykanka ayaa dembi basaasnimo ah ku heshay Manning, oo loo haysta inuu bixiyay qoraallo sir ah.

Bradely Manning oo dacwadiisu ka socotey dalka Maraykanka ayaa lagu waayey qodob aad u weeynaa oo ahaa in uu taageeray cadawga Maraykanka.

Waxaa lagu soo dacweeyay, in uu hoosta ka bixiyey, boqolaal kun oo qoraallo sir ahaa oo uu siiyey bogga Wikileaks ee daabaca waraka sirta ah.

Ninka aasaasay boggaasi Wikileaks, Julian Assange, ayaa cambaareeyay dembiga lagu helay Bradley Manning.

Bradley Manning ayaa mutaysan kara 136 sano oo xarig ah.