Dadka Zimbabwe oo u dareeray doorasho

Zimbabwe
Image caption Dadka ayaa safaf dhaadheer ku jira si ay codkooda u dhiibtaan

Dadka reer Zimbabwe ayaa dhiibanaya codadkooda doorasho ay markiiba hareeyeen eedeyma ah in liiska codbixinta lais dabamariyay.

Robert Mugabe, oo ah madaxweynaha ugu da'da weyn Afrika, ayaa ku jira tartanka.

Waxaa uuna sheegay in uu xilka ka degi doono haddi laga guulaysta.

Mugabe ayaa dalkaasi ka talinayay muddo 33 sano ah.

Hadalka Mugabe ayaa soo baxay iyada oo xisbiga ninka ay sida weyn u tartamayaan, Ra'iisalwasaare Morgan Tsvangirai uu ku eedeyay xisbiga Mugabe ee Zanu-PF inay is dabamariyeen liiska codbixiyeyaasha.

Zanu-PF waa ay beenisay eedeymaha, iyada oo sheegtay in mas'uuliyaddaasi ay saaran tahay guddiga doorashada, kaas oo soo saaray liiska wax yar ka hor doorashada.

Weriye ku sugan dalkaas ayaa sheegaya in dadka ay safaf dhaadheer ku jiraan si ay codkooda u dhiibtaan.