Xiisadda dhaqaale iyo amni ee Beledweyne

  • 1 Agoosto 2013
AMISOM
Image caption Ciidamada Midowga Afrika ayaa ku sugan Beledweyne si ay u sugaan ammaanka magaalada.

Beledweyne waxaa lagu dilay mid ah odayaasha dhaqanka iyadoo xiisad la xiriirta lacago "faalis ah" oo la mamnuucay ay ka jirta magaalada.

Dilka Sheekh Xuseen Cilm ayaa ugu dambeeyay dilalka u muuqda inay qorsheysan yihiin ee ka dhacayay magaaladaas.

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Hiiraan ayaa dilalka ku eedeeyay kooxo uu ku tilmaamay inay yihiin "nabad diid"

Maxamad Ibrahim Cali ayaa sheegay in Sheekh Xuseen la dilay kaddib markii uu ka baxay shir looga hadlayay lacago "faalis ah" oo laga mamnuucay magaalada.

Lacaghaas la mamnuucay ayaa sabab u ahaa dibedbaxyo ka dhacay magaalada oo looga soo horjeeda tallaabada maammulka.

Maamulka Beledweyne ayaa sheegay in lacagahaas "been abuurka" ay magaalada u horseedeen sicir barar.

Guddoomiye kuxigeenka gobolka, Maxamad Ibrahim Cali, ayaa BBC-da u sheegay in 100-kii doolar uu gaaray 4 milyan oo shilin Soomaali ah xilligii lacagtaas laga adeegsanayay magaalada.

Haatan waxaa uu sheegay in doolarku caadi ku soo laabtay.

Maxamed Ibraahim Cali waxaa uu ku adkaystay in lacagta kaliye ee magaalada laga isticmaali kara ay tahay tan ka imaanayso Muqdisho.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan