Madaxda AMISOM oo ku shiraya Ugaandha

AMISOM
Image caption Ciidamada AMISOM ayaa suga ammaanka inta badan goobaha muhiimka ee Muqdisho.

Madaxweynayaasha ay dalalkooda ciidan ka joogaan Soomaaliya ayaa ku shiraya magaalada Kampala.

Waxay ka hadlayaan wadashaqeynta xogagga kala duwan ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

Madaxda shirka ka qeybgalaya waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

kulankan waxaa ka horreeyey mid ay horey u yeesheen wasiirrada arrimaha dibedda ee wadamadaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda Sam Kutesa ayaa sheegay in ajendaha kulanka uu ka mid yahay sidii looga wadahadli lahaa ciidammada Amisom ee ku sugan Soomaliya.

Kutesa ayaa sheegay in diiradda la saari doono caqabadaha ku hor gudban ciidammada AMISOM.

Shrikan ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu jira khilaaf u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la xiriira maamulka Kismaayo.

Warqad sir ahayd oo dowladda Soomaaliya ay u qortay Midowga Afrika ayay ku sheegtay in ciidammada Kenya ay mas'uul ka yihiin dagaallada ka dhacay Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale codsatay in lais ku dhafo ciidammada AMISOM ee ku sugan gudaha dalka.

Kenya ayaa beenisay in ciidankeeda ay u janjeeraan dhinac ka mid ah dhinacyada ku loollamaya Kismaayo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan