Mugabe oo mar 7-aad la doortay

  • 3 Agoosto 2013

Guddiga doorashada dalka Zimbabwe ayaa ku dhawaaqay in madaxwayne Robert Mugabe uu ku guulaystay xafiiska markii todobaad.

Mr Mugabe oo sideetan iyo sagaal jir ah ayaa helay lixdan iyo kow boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

Madaxa guddiga doorashada ZImbabwe, Rita Makarau, ayaa ku dhawaaqday natiijada:

Morgan Tsvangirai (Jangaraay), oo la tartamaya ayaa helay ku dhowaad sodon iyo afar.

Xisbiga Mr Mugabe ee ZANU-PF, ayaa ku guulaystay in ka badan sadex meelood laba meel aqlabiyad ah oo dhinaca baarlamaanka, taas oo ku filan in dastuurka uu xisbigu badalo.

Mr Tsvangirai ayaa sheegay in uu tagayo maxkamad si uu uga doodo natiijada oo uu sheegay in uu si buuxda u diidan yahay.

Wuxuu sheegay in uu soo saari doono warbixin cadaymo wadata oo uu ku sharaxayo isdabamarin doorashada in lagu dhaqaaqay uuna ugu baaqay in ururka dalalka Africada koonfureed ee SADC in uu baaro.