Kismaayo dowladda "ha lagu wareejiyo"

Kenya
Image caption Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay ciidammada Kenya in aanay dhexdhexaad ka ahayn Kismaayo.

Madaxda ay dalalkooda ciidammada ka joogaan Soomaaliya ayaa ku baaqey in Kismaayo "lagu wareejiyo" dowladda federaalka.

Shir ay maanta madaxdaasi ku yeesheen dalka Ugaandha ayay sidoo kale ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in kooxaha hubaysan ee aan Al-Shabaab ahayn ay ku biiriso ciidankeeda.

Madaxda AMISOM ayaa codsaday in la soo kordhiyo ciidammada Midowga Afrika ka socda ee ku sugan Soomaaliya.

Afhayeenka dowladda Soomaaliya, Cabdiraxman Cumar Cusman, ayaa sheegay in ciidammo ka socda waddamo kala duwan la gayn doono Kismaayo.

Madaxda AMISOM ayaa ka dooday wadashaqeynta xogagga kala duwan ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

Madaxda shirka ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda Sam Kutesa ayaa sheegay in shrika ay diiradda ku saareen caqabadaha ku hor gudban ciidammada AMISOM.

Shrikan ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu jira khilaaf u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la xiriira maamulka Kismaayo.

Warqad sir ahayd oo dowladda Soomaaliya ay u qortay Midowga Afrika ayay ku sheegtay in ciidammada Kenya ay mas'uul ka yihiin dagaallada ka dhacay Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale codsatay in lais ku dhafo ciidammada AMISOM ee ku sugan gudaha dalka.

Kenya ayaa beenisay in ciidankeeda ay u janjeeraan dhinac ka mid ah dhinacyada ku loollamaya Kismaayo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan