Cismaan Caato ayaa geeriyooday

Image caption Cismaan Xasan Cali Caato waxa uu ahaa hoggaamiye

Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw ku geeriyooday Xildhibaan Cismaan Xasan Cali Caato oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlaaanka Soomaaliya.

Cismaan Caato ayaa ehelkiisa waxay BBC u sheegeen in xannuun uu horey u qabay aanay jirin balse lagu soo booday. Waxa uu ku geeriyooday 4-tii galabnimo gurigiisa oo ku yaal degmada Hodan.

Cismaan Xasan Cali Caato waxa uu ahaa nin ganacsade ah, laakiin waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii dagaalka Muqdisho waxaana uu gacan midig u ahaa General Maxamed Faarax Ceydiid, isagoo xagga dhaqaalaha ka taakuleyn jiray.

Laakiin markii danbe waxaa isaga iyo Ceydiid soo kala dhexgalay khilaaf kaasi oo keenay inuu dhexmaro dagaal culus labadii maliishiyo ee ay kala hoggaaminayeen.