Geela oo lagu arkay jeermis dilaa ah

  • 9 Agoosto 2013
Geela
Image caption Seynisyahanno ayaa sheegaya in geela uu gudbiyo jeermis halis ah

Saynisyahanno baaraya halka uu ka yimid jeermis dilaa ah oo Sacuudiga lagu arkay ayaa sheegay in geela laga helay jeermiskaas.

Cilmi baaris ayaa soo jeedineeysa in laga yaaba in geela uu gudbiya cudurka lagu arkay meelo ka mid ah bariga dhaxe ee loo yaqaanno MERS.

Saynisyahannada ayaa jeermiska ka helay geel ku nool dalka Urdun, waxayna doonayaan inay baaraan geela ku nool dalka Sacuudiga.

Dhowr ruux ayaa Jeermiskan ugu dhintay dalka Sacuudiga.

Cudurkan ayaa ilaa haatan ku dhacay 100 ruux, isagoo dilay kala bar tiradaas.

Mas'uuliyiinta dalka Sacuudiga ayaa ugu baaqey dadka Xajka tegaya sanadka inay cudurka ka taxadaraan, oo ay qaadaan tallaabooyin ay ku sugayaan caafimaadkooda.

Dadka da'da ah ee u nugul cudurrada ayaa laga codasaday in aanay sanadkan tegin Sacuudiga, oo Xajkooda ay dib u dhigtaan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan