Diyaarad ku qaraxday gegida Muqdisho

burburka diyaaradda
Image caption garoonka muqdishu

Burburka diyaaraddaAfar ruux ayaa ku dhimatay diyaarad militeri oo ku qaraxday gegida diyaaradaha ee caalamiga ah ee Muqdisho.

Diyaaradda ayaa qaraxday kaddib markii ay si lama filaan ah ugu soo degtay gegida.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen qiiq madow oo cirka isku shareeray.

Mas'uuliyiin dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in diyaadda ay hub wadday.

Shaqaalaha gegida ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo is xigxigay, oo loo malaynayo inay ka dhasheen hub ay wadday diyaaradda.

Diyaaradda waxaa saarnaa lix ruux oo shaqaalaheeda ah.

Wasiir kuxigeenka warfaafinta Cabdishakur Cali Mire ayaa sheegay in afar ruux ku dhinteen shilkaasi, laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Gegida caalamiga ee Muqdisho ayaa haatan xayiran, iyadoo si kumeel gaar ah loo hakiyay howsha gegida.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan