Gegida diyaaradaha Nairobi oo la furay

Jomo Kenyatta
Image caption Gegida diyaaradaha ee Kenya ayaa dib loo furay

Gegida diyaaradaha ee caalamiga ee Nairobi ayaa dib loo furay maalin kaddib markii la xiray.

Waxaa garoonka ka degay diyaarado caalami ah oo ka kala yimid Britain iyo Thailand.

Dab garoonka ka kacay ayaa sababay in Arbacada la xiro gegida Jomo Kenyatta.

Ilaa haatan ma cadda waxa sababay dabkaas, mas'uuliyiinta hay'adda duulimaadka ee Kenya ayaa sheegaya in dabka uu ka billawday xafiisyada waaxda socdaalka.

Garoonkan Jomo Kenyatta ayaa ah kan ugu mashquulsan bariga iyo bartamaha Afrika, iyadoo ay sanadkii adeegsadaan ku dhawaad 5 milyan oo musaafur.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in aanay jirin dhimasho ama dhaawac ka dhashay dabka, laakin waxaa burburay gebi ahaanba qeybtii ay adeegsanayeen dadka ka soo safra dibedda dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in uu socda baaritaanka lagu ogaanayo waxa sababay dabkaas.