Robert Mugabe oo weeraray mucaaradka

Hoggaamiyaha mucaaradka
Image caption Morgan Tsvangirai ayaa dhaliilay guusha Mugabe.

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa weeraray mucaaradka, markii ugu horreysay oo uu hadlo tan iyo markii uu ku guulaystay doorashooyinkii muranka dhaliyay.

Mugabe ayaa ku gacanseyray hadalkii ninka ay tartamayeen ee Morgan Tsvangirai ee ahaa in doorashooyinka lagu shubtay.

Waxaa uu ugu baaqey Morgan Tsvingirai "in uu is daldalo" haddii uu doonayo sidaas.

Xisbiga MDC ee uu hoggaamiyo Tsvangirai ayaa dhaliilay doorashada, waxaa uuna dacwad ka dhan ah natiijada geeyay maxkamadda destuuriga ee dalkaas.

Mugabe ayaa ku guulaystay boqolkiiba 61 codadkii la dhiibtay, iyadoo Tsvingirai uu helay boqolkiiba 35.

Xisbiga Mugabe ee ZANU-PF ayaa sidoo kale ku guulaystay laba meelood saddex kuraasta baarlamaanka ee dalkaas.

Khudbad uu jeediyay xuska maalinta geesiyada ee dalka Zimbabwe, aya Mugabe waxaa uu dadka ugu baaqey inay u dabbaaldegaan guushiisa.

Waxaa uu sheegay in kuwa laga guulaystay doorasooyinka "ay is dili karaan, haddii ay sidaas doonayaan".

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan