Puntland oo xiriirka u jartay dowladda

  • 6 Agoosto 2013
Farole
Puntland ayaa ku dhawaaqday in xiriirka ay si rasmi ah ugu jareen dowladda federaalka

Puntland ayaa sheegtay in rasmi ahaan ay u jartay xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda ayaa arrintaas ku tilmaantay wax laga xumaado.

Maammulka Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka in ay wax ka beddeshay destuurka.

War saxafadeed ka soo baxay Puntland ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay is horistaagtay dhisidda maammullo federaal ah oo hoos yimaada dowladda dhexe.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Axmed Cumar Xirsi, ayaa BBC-da u sheegay in dowladda Soomaaliya aanay fulin heshiis ay la galeen Puntland oo dhigayay in la qeybsado dhaqhaalaha iyo deeqaha soo gaara dowladda.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda inay ka horimaadsan tahay fulinta destuurka federaalka.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdiraxman Cumar Cusmaan ayaa isaguna BBC-da u sheegay in dowladda ay ka xuntahay arrintaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii afaraad ee April booqasho ku tegay Puntland.

Shiarar ay yeesheen madaxweynaha Puntland kaddib ayaa labada dhinac waxay sheegeen inay taageersan yihiin hanaanka federaalka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan