Mullah oo sheegay in aanay wax qasbi doonin

Image caption Mullah Omar waa hoggaamiyaha Taliban

Hoggaamiyaha Talibanta Afghanistan, Mullah Cumar ayaa sheegay in aanay baadi goobi doonin inay xoog dadka ku qabsadaan marka ay ciidamada shisheeye ka baxaan Afghanistan sanadka soo socda.

War uu soo saaray ka hor munaasabadda Ciida muslimiinta ee Ciidul Fitr ayaa waxa uu ku sheegay in Taliban ay isku dayi doonto inay fahamto dadka Afghanistan wax uu ugu yeeray dowlad loow ada dhan yahay oo ku saleysan shuruucda Islaamka.

Mullah Omar, oo is qarinayay ilaa sanadkii 2001, ayaa waxa madaxiisa ssaran toban milyan oo dollar oo abaalmarin ah ciddii keenta.

Waxa uu mar kale ku celiyay sida uu u arko doorashada la qaban doono sanadka soo socda dalkaasi oo uu ku tilmaamay inay tahay waqti lumis.