Sheekh caan ah oo lagu toogtay Tanzania

Sheikh Ponda
Image caption Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya cidda toogatay Sheekh Bonda

Urur ay leeyihiin Muslimiinta Tanzania ayaa sheegay in uu dib u eegi doono xiriirka ay la leeyihiin dowladda kaddib markii la toogtay Sheekh caan ah.

Sheekh Cise Bonda Cise ayaa haatan lagu daweynayaa Isbitaal ku yaalla magaalada Dar Es Salaam ee caasimadda dalka Tanzania.

Ma cadda cidda weerartay Sheekh Bonda oo dhowr jeer hore ay isku dheceen mas'uuliyiinta dowladda Tanzania.

Waxaa horey loogu eedeeyay in uu jeediyo khudbado ku salaysan naceyb iyo in uu dhiirrageliyo qalalaaso.

Sheekha ayaa iska fogeeyay in uu dadka ku booriyay naceyb iyo wax la mid ah.

Dhacdadan ayaa waxa ay timid todobaad kaddib markii aashito lagu weeraray laba macalin oo u dhashay dalka Britain oo wax ka dhigayay Iskuul ku yaalla Jasiiradda Zanzibar.

Guddoomiyaha Guddiga mideeya hay'adaha Islaamiga ee Tanzania, Sheekh Musa Kundheja, ayaa ugu baaqey dowladda inay guddi madaxbannaan u saarta baaritaanka arrintan.

Waxa uu sheegay in haddii dowladdu wax ka qaban waydo arrintan, ay ka fiirsan doonaan xiriirka ay la leeyihiin.

Waxaa jira warar is khilaafsan oo ku saabsan cidda toogatay sheekha.

Taageerayaashiisa ayaa ku eedeeyay boliiska in ay xabadeeyeen kaddib markii uu dhameeyay muxaadaro uu ka jeedinayay meel u dhaw magaalada Dar Es Salaam.

Boliiska Tanzania ayaa beeniyay eedeeymahaas, iyagoo sheegay inay billabeen baaritaanno ay ku ogaanayaan cidda gaysatay toogashadaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan