Qalab iyo Sahay Gargaar oo al-Shabab qaadatay

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xarakada al-Shabab ay ka qaadatay qalab iyo sahay kale bakhaarada hay'ado gargaar oo ku yaalla Soomaaliya.

Waxay ahaayeen qalab xafiiseed iyo sahay gargaar oo hay'daha la shaqeeya dowladda Britain ay ku kaydiyeen qalab xafiiseedkooda iyo sahay gargaar.

Waxaa qalabkaas maalgaliyay dowladda Britain, waxaana qiimihiisa lagu qiyaasay in ka badan todoba boqol oo kun oo doolar.

Qaadashada qalabka, oo ku yitid weeraro ay al-Shabab ku qaaday xarumaha hay'adaha ayaa bilowday November sanadkii 2011, waxaana ay socdeen muddo 7 bilood ah.

Dowladda Britain ayaa u sheegtay BBC in waxyaabo badan lagu burburiyay intii weerarada al-Shabab socdeen ama wax yar kadib.

Qarashka qalabkaas ku kacay, ayaan lagu soo darin xisaabaadkii dowladeed ee ugu dambeeyay