Dad gaaraya 44 oo lagu toogtay masaajid

Nigeria
Image caption Dad u soo baxay Salaadda Ciidda dalka Niegria, weerar lagu qaaday masaajid ayaa lagu dilay 44 ruux.

Ugu yaraan 44 ruux ayaa lagu dilay weerar ay dabley hubaysan ku qaadeen dad ku tukanayay masaajid ku yaalla dalka Nigeria.

Dadkani la dilay ayaa Salaadda Subaxa u taagnaa xilliga weerarka lagu qaaday.

Dadka weerarka gaystay ayaa laga shakisan yahay in ay ka soo jeedaan kooxda hubeysan ee Islaamiga ah ee Boko Xaraam.

Militeriga Nigeria ayaa waxay halkaas ka wadaan baaritaan ay ku doonayaan in ay kaga adkaadaan dagaallamayaasha Islaamiga ah.

Kooxda Boko Xaraam ayaa sheegaysa inay doonaysa in Nigeria oo dhan ay kusoo rogto shareecada Islaamka.

Waxaa horey u badnaa weerarrada lagu qaado kaniisadaha, laakin kooxda Boko Xaraam ayaa waxay mararka qaar bartilmaameed ka dhigataa masaajidda.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, boqolaal rayyid ah ayaa waxay sameysteen kooxo iskood isku xilqaamay oo ilaaliya ammaanka.

Waxaana macquul ah in ragga hubeysan ay masaajidka weerareen, iyagoo rumeysnaa in qaar ka mid ah kooxahaas is abaabulay ay halkaas ku tukanayeen.

Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo uu ku soo rogay Waqooyi Bari ee dalka ku dhawaad saddex bilood ka hor, si looga hortago weerarrada Boko Xaraam.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan