Cabsi laga qabo dibedbaxyada Masar

Qaramada Midoobay
Image caption Qaramada Midoobay ayaa cambaaresay dilka dadka rayidka ee Masar

Dalka Masar waxaa ka jira cabsi iyadoo Ururka Ikhwaanul Muslimiinka uu ku baaqay dibedbaxyo laba maalmood kaddib markii boqolaal la dilay.

Ikhwaanul Muslimiinka ayaa dibedbaxayada maanta ugu magac daray "maalinta carada".

Wasiirka arrimaha gudaha ee Masar ayaa sheegay in ciidammada la siiyay fasax ah inay xabado adeegsadaan si ay u sugaan ammaanka dalka.

Dibedbaxyada ayaa imaanaya iyadoo dowladda Masar ayaa xoog ku kala dirtay dibedbaxyadii taageersanaa madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi.

Wasaaradda caafimaadka ee Masar ayaa sheegtay in dad kor u dhaafaya 600 oo ruux ay ku dhinteen rabshadihii ka dhacay Masar.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo uu ka tirsan yahay Mursi ayaa sheegaya in dadka dhintay ay kor u dhaafayaan 2,000 oo ruux.

Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay dilka loo gaystay dadka rayidka ah.

Waxay ku baaqdey in dhibaatada Masar loo helo xal siyaasadeed.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa horey u cambaareeyay tallaabada dowladda Masar.

Barack Obama ayaa sheegay in uu meesha ka saaray tababar ay wadajir u samayn lahaayeen ciidammada Masar iyo Maraykanka.

Maraykanka ayaa bixiya kaalmada ugu weyn ee dhaqaale ee la siiya Masar.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan