Obama oo cambaareeyay dowladda Masar

Masar
Image caption Boliiska ayaa xoog ku kala diray dibedbaxyadii taageerayaasha Maxamad Mursi.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa si weyn u cambaareeyay dilka Masar, waxaa uu ugu baaqey dowladda inay joojiso xaaladda degdegga ee ay soo rogtay.

Dowladda Masar ayaa xoog u kala dirtay dibedbaxyadii taageersanaa madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi.

Wasaaradda caafimaadka ee Masar ayaa sheegtay in dad kor u dhaafaya 500 oo ruux ay ku dhinteen rabshadihii ka dhacay Masar.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo uu ka tirsan yahay Mursi ayaa sheegaya in dadka dhintay ay kor u dhaafayaan 2,000 oo ruux.

Barack Obama ayaa sheegay in uu meesha ka saaray tababar ay wadajir u samayn lahaayeen ciidammada Masar iyo Maraykanka.

Maraykanka ayaa bixiya kaalmada ugu weyn ee la siiya Masar.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in xiriirka Maraykanka iyo Masar uusan ku socon karin sidii caadiga ahayd, iyadoo dad rayid ah lagu dilayo waddooyinka.

Obama waxaa uu ka digay in Masar ay qaadday wadda xun, oo loo baahan yahay in dalkaas ay ka dhacdo dib u heshiisiin.

Madaxa hay'adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Navi Pillay ayaa ku baaqdey in baaritaan lagu sameeyo dilkii ka dhacay dalka Masar.

Ra'iisalwasaaraha Turkiga ayaa sheegay in loo baahan yahay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tallaabo ka qaaddo dalka Masar kaddib dilkii dhacay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan