In ka badan 80 qof ayaa lagu dilay Masar

Egypt deaths
Image caption Dadkii ku dhintay iskudhacyada Masar

Mas'uuliyiinta waddanka Masar waxay sheegeen in dad ka badan 80 qof ay ku dhinteen iska hor imaadyadii Jimcihii dhexmaray ciidammada ammaanka iyo taageerayaasha Ikhwaanul Muslimiin.

Hase ahaatee Ikhwaanul Muslimiin waxay sheegayaan in tirada dhimashadu intaas aad uga sarreyso.

Dhibaatada badankeedu waxay ka dhacday caasimadda qaahira. Wasaaradda arrimaha gudaha waxay sheegtay in la xiray dad ka badan kun qof, kuwaas oo loo haysto fafal argagixisanimo intii muddaharaadyadu ay socdeen.

Ikhwaanul Muslimiinku waxay taageerayaashooda ugu baaqeen inay oogaan muddaharaadyo maalin walba ah oo ay kaga soo horjeedaan ridistii xukunka laga tuuray madaxweynihii islaamiga ahaa ee Maxamed Morsi.