Afar laga dilay boliiska woqooyiga Kenya

Khariidadda Afrikada bari
Image caption Khariidadda Afrikada bari

Guddoomiyaha degmada Garissa waxaa uu sheegay in ilaa 40 nin oo aad u hubeysan ay Jimcihii shalay soo weerareen bar ay boliisku fadhiyeen.

Kooxda mintidiinta dagaallanta ee al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ayaa qiratay inay weerarkaas fuliyeen.

Kenya ciidan ayay u dirtay Soomaaliya ku dhowaad labo sano kahor si ay ula dagaallamaan mintidiinta al-Shabaab, oo iyaguna taas kaga aargutay weerarro ay xadka ku soo qaadaan iyo dad ay halkaas ka afduubaan.