Ikhwaanul Muslimiin xabsiga lagu dilay

Masar
Image caption Ciidammada ammaanka ayaa xoog u adeegsaday kala dirista taageerayaasha Mursi

Ugu yaraan 36 ruux oo taageersanaa madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi ayaa lagu dilay xabsi ku yaalla Masar

Dilkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Midowga Yurub laga filayo in maanta uu go'aan ka soo saara qalalaasaha Masar.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa sheegtay in dadkan la dilay iyagoo sameynayay isku day ah inay ka baxsadaan ciidammada ammaanka.

Wasaaradda ayaa bixisay warar is khilaafsan oo ku saabsan sida ay ku dhinteen, iyagoo ugu horreyn sheegtay inay rag hubaysan soo weerareen.

Saacada kaddib ayaa haddana waxay wasaaraddu sheegtay in dadkaas ay u dhinteen sunta dadka kaga ilmaysiiso oo lagu riday markii ay afduub ahaan u qabsadeen mid ka mid ah askartii u sagootinaysay xabsi loo waday.

Taliyaha ciidammada Masar, Gen Abdulfataax Al-sisi, ayaa horey digniin u jeediyay taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday, waxaana uu sheegay inaan loo dulqaadan doonin rabshadaha ay wadaan.

Al-Sisi ayaa sidoo kale sheegay in Masar ay meel uga banaantahay dadka oo dhan.

Midowga Yurub ayaa maanta leh shir looga hadlaya waxa ay ka yeelayaan qalalaasaha Masar.

Waxa la filayaa inay go'aan ka soo saaraan inay kaalmada dhaqaale ee Midowga Yurub uu siiyo Masar la dhimi doono iyo in kale.

Dalka Sacuudiga ayaa ugu digay reer galbeedka inay culays saaraan hoggaamiyayaasha militeri ee dalkaas, oo ay sheegeen inay la dagaallamayaan argegixiso.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan