Maxkamad amartay in la sii daayo Mubarak

Mubarak
Image caption Mubarak ayaa xabsiga ku jiray tan iyo markii xukunka laga tuuray kaddib kacdoonkii 2011

Maxkamad ku taalla Masar ayaa amar ku bixisay in la sii daayo madaxweynihii horey xilka looga tuuray ee Xusni Mubarak.

Qareennada u doodayay Mubarak ayaa sheegay in laga yaaba in la sii daayo maalinta Khamiista.

Mubarak ayaa lagu soo oogay dacwad ah musuqmaasuq, kuwaas oo markii dambe meesha laga saaray.

Waxaa weli u dhiman dacwad kale oo la xiriirta dadkii lagu dilay kacdoonkii ka dhacay dalka Masar sanadkii 2011-ka, kaas oo xukunka looga tuuray Mubarak.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xabsiga uu ku jira madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuquraadi ah loo doortay dalka Masar ee Maxamad Mursi.

Mubarak ayaa horey loogu xukumay xabsi daa'in, laakin racfaan ayuu ka qaatay xukunkaas oo dib ayaa loo dhagaysan doonaa dacwadaas.

Weriye BBC ka tirsan ayaa sheegay in arrintan aanay ka farxin doonin dadkii ka qeybqaatay kacdoonkii Mubarak xukunka looga riday.

Militeriga Masar ayaa xukunka ka tuuray Maxamad Mursi billawgii bishii July.

Taageerayaasha Mursi ayaa dhigay dibedbaxyo ay uga soo horjeedeen tallabada militeriga, laakin xoog ayaa lagu kala diray.

Waxaa weerarka dibedbaxyada lagu kala diray ku dhintay boqolaal ruux.

Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa haatan dib u qiimayn ku samaynaya kaalmada dhaqaale iyo tan militeri ee ay siiyaan Masar.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan