Yurub oo dhexdhexaadinaysa Masar

  • 21 Agoosto 2013
Militeriga Masar
Image caption Militeriga Masar ayaa xilka ka tuuray madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorta dalka Masar.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dhexdhexaadiso dhinacyada isku haya Masar.

Catherine Ashton, ayaa soo jeedisay inay u safarta dalka Masar si ay xal siyaasadeed ugu raadiso qalalaasaha ka taagan dalkaas.

Ashton oo bishii hore la kulantay dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Masar, ayaa guddoomin doonta shir maanta ay isugu imaanayaan wasiirrada arimaha dibedda ee dowladaha Midowga Yurub,

Dawladaha qaar, ayaa ku baaqay in la jaro kaalamada reer Yurub ay siiyaan dalka Masar.

Dhinacyada iska soo horjeeda ee Masar ayaa aad u kala fog.

Taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi ayaa doonaya in xilka lagu soo celiyo.

Dowladda taageerada ka haysata militeriga ayaa diidan arrintaas, waxayna xoog ku kala dirtay dibedbaxyadii ay dhigayeen taageerayaasha Mursi.

Boqolaal ruux ayaa ku dhimatay tallaabadaas, iyadoo mas'uuliyiinta Masar ay xireern madaxda ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Ra'iisalwasaaraha kumeelgaarka ah ee dalka Masar, Xaazim Al Beblaawi, ayaa difaacay tallaabada ciidamadu ay ka qaadeen taageerayaasha Maxamed Mursi.

Beblaawi oo wareysi siiyay TV-ga laga leeyahay dalka Maraykanka ee ABC, waxa uu sheegay in dalka Masar uu hayo wadada saxda ah.

Waxaa kale oo uu sheegay Beblaawi in xilliga kumeelgaarka ah uu ku dhammaan doono lix illaa sagaal bilood gudahood.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan