Mubaarak oo xabsiga laga sii daayay

Mubaraak
Image caption Xusni Mubaarak oo xabsiga laga sii daayay

Madaxweynihii hore ee Masar, Xusni Mubaarak, ayaa la sii daayay kaddib laba sano oo uu ku jiray xabsi.

Mubaarak ayaa la geeyay isbitaal ay militeriga leeyihiin oo ku yaal dhanka koonfureed ee magaalada Qaahira.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ayaa Mubaarak ka soo qaaaday xabsigii uu ku jiray ee ku yaallo magaalada Qaahira halkaa oo mudaba lagu hayay.

Mubaarak ayaa lagu wadaa in uu wajaho dacwad ku aadan eedo ah in uu ku lug lahaa dilkii dad mudaaharaayay xilligii uu socday kacdoonkii awoodda looga tuuray laba sano ka hor.

Mas'uuliyiinta Militariga Masar ayaa amray in uu ku sii jiro xabsi guri.

Maxkamaddii dhageesanaysay dacwadda ayaa Arbacadii amartay in la sii daayo.

Madaxweynihii hore ayaa ku qaatay xabsiga waqtigii ugu dheeraa ee qof aan weli la xukumin xabsiga lagu heyn karo.

Mubaarak ayaa dalka Masar xukumayay muddo 30 sano ah.

Dadkii ka qeyb qaatay kacdoonkii xukunka looga riday ayaanan ku faraxsaneyn sii deyntiisa.

Waxa ay u arkaan in xukunkii kaligii taliska uu dalkaasi ku soo laabanayo.

Militeriga Masar ayaa billawgii bisha Julaay awoodda ka tuuray madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorto ee Maxamed Mursi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan