Maxkamadda Bo Xilai

Maalintii sadexaad oo maxkamad la saarayo, ayaa siyaasiga hore ee dalka Shiinaha Bo Xilaia wuxuu mar kale ku maadaystay cadaynta dacwad soo oogayaasha ee isaga ka dhanka ah, iyadoo ay socoto maxkamad dalka Shiinaha oo dhan ay ka war sugayaan.

Qof ku marqaati furaya ayaa sheegay in uu arkay Mr Bo oo u sheegaya xaaskiisa in ay qaadato sideed boqol oo kun oo lacagta dowladda ah.

Balse Mr Bo wuxuu sheegay in uu doqon yahay qofka marqaatiyaal hortood arrintaas oo kale kaga hadlaya, wuxuuse qiray in uu aqbalayo mas'uuliyadda qaarkooda sida in uu ogolaaday in xaaskiisa la siiyo lacagta.

Maxkamadda ayaa kadib dhagaysatay cadaymo uu bixiyay taliyihii hore ee booliiska ee Mr Bo, Wang Lijun.

Waxaa loo malaynayaa in uu hayo cadaymo siyaasigan la xiriirinaya dilka ganacsadaha British-ka ah oo la rumaysan yahay in uu ka qaybgalay sidii loo qarin lahaa.