Qaramada Midoobay oo baaraysa Suuriya

Kerry
Image caption Wasiirrada arrimaha dibedda ee Maraykanka iyo dhowr dal oo carbeed ayaa ku shiraya Urdun.

Baarayaal ka socda Qaramada Midoobay ayaa u diyaargaroobaya inay booqdaan goobta loogu shakisan yahay in lagu weeraray hubka kiimikada.

Weerarka ayaa toddobaadkii hore ka dhacay duleedka magaalada Dimishiq, ee caasimadda Suuriya.

Dowladda Suuriya ayaa heshiis kula gaartay kormeerayaasha Qaramada Midoobay inay booqdaan goobta uu weerarka ka dhacay.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa ku gacanseyray tallabadaas.

Waxay sheegeen in go'aankan uu yimid xilli dambe oo haatan madaxweyne Barack Obama uu ka fakarayo in tallaabo militeri uu ka qaado Suuriya iyo in kale.

Xoghaya arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in uusan shaki weyn ku jirin in dowladda Suuriya ay adeegsatay hubka kiimikada.

Wasiirrada difaaca ee Maraykanka iyo dhowr dal oo carbeed ayaa maanta shir ku leh dalka Urdun, si ay uga wada hadlaan tallaabada xigta.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan