Mandela oo ka baxay Isbitaalka

Madaxwaynihii hore ee dalka Koonfur Africa, Nelson Mandela ayaa dib uu laabtay gurigiisaadib markii laga saaray isbitaal ku yaalla magaalada Pretoria.

War lagu daabacay bogga internet-ka ee madaxtooyada dalka Koonfur Africa ayaa lagu sheegay in Mr Mandela xaaladiisa ay wali tahay mid daran mararka qaarna aan xasiloonayn balse dhaqaatiirtu waxay rumaysan yihiin in daryeelka uu ku haystay isbitaalka mid la mid ah uu ku heli doono gurigiisa ku yaalla meel u dhow magaalada Johanesburg.

Gurigiisa ayaa dib loogu qaabeeyay si uu u heli karo daryeelka deg dega ah ee uu u baahan yahay.

Mandela oo 95 sano jir ah ayaa ahaa madaxwaynihi ugu horeeyay ee madow ah ee dalka Koonfur Africa, waxaana uu ku jiray isbitaal ilaa bishii June si looga daweeyay caabuq dhinaca sambabada ah.