Mursi oo loo haysto "dilka dibedbaxayaal"

Militeriga Masar
Image caption Militeriga Masar ayaa xukunka ka tuuray Maxamad Mursi

Telefishinka dowladda Masar ayaa sheegay in madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi dacwad lagu soo oogi doono.

Waxaa loo haystaa eedeymo ah in uu amray in la dilo dad dibedbaxyo ka dhigayay dibedda aqalka madaxtooyada dhowr bilood ka hor intaan xilka laga qaadin.

Dhowr iyo tobon ruux oo kale oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa iyaguna lagu soo oogi doonaa dacwad noocaas ah.

Dadkaas waxaa ka mid ah Cisaam Al Caryaan iyo Maxamad Al Baltaaji, oo ah hoggaamiyayaasha Xisbiga Xoriyadda iyo Cadaaladda, ee ah garabka siyaasadeed ee Ikhwaanul Muslimiinka,.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Masar ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro siddeed ka mid ah madaxdaas oo boliisku aysan weli soo qaban.

Maxamad Mursi ayaa lagu hayay goob qarsoodi ah tan iyo markii xukunka laga riday billawgii bisihii toddobaad.

Dibedbayadii lagu taageerayay Mursi ayay boliisku xoog ku kala direen, halkaas oo ay ku dhinteen boqolaal ruux.

Dacwaddan Mursi ayaa ku soo beegmaysa maalmo kaddib markii xabsiga laga sii daayay madaxweynihii ka horreeyay ee xukunka kacdoon loo ga riday ee Xusni Mubarark.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan