Obama oo mar kale ka hadlay Suuriya

Image caption Madaxweyne Obama ayaa ka hadlay arrinta Suuriya isaga oo jooga Sweden

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa ka digay in lagu guuldareysto in jawaab laga bixiyo isticmaalka hubka kiimikada ee Suuriya, taasi oo uu sheegay inay keeni doonto in weerarro noocaasi oo kale ah inay dhacaan mustaqbalka.

Mr Obama ayaa ka hadlayay shir jaraa'id oo uu ku qabtay dalka Swede, oo si wadajir ah ay su'aalo uga jawaabayeen isaga iyo Raiisul Wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay dalalka Reer Galbeedka in aanay ka qaadin tallaabo militeri oo hal dhinac oo keliya ah dalka Suuriya.

Laakiin meesha kama aanu saarin inuu taageerayo qaraar Qaramada Midoobay oo fasaxaya tallaabo militeri haddii la caddeeyo oo shakiga laga saaro in dowladda Suuriya ay u isticmaashay hubka kiimikada dadkeeda.