Shabaab ayaa sheegatay qaraxyada

  • 4 Sebtembar 2013
Image caption al-Shabaab waxa ay dagaal kula jirtaa dowladda Soomaaliya

Xarakada al-Shabaab ayaa sheegatay weerarro qaraxyo ah oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weerarrada oo loo isticmaalay intooda badan bambooyin gacmeed ayaa ka dhacay jidadka waaweyn ee degmooyin kala duwan ee magaalada.

Ilaa hadda hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay id ka mid ah qaraxyadaasi oo magaalada si weyn looga dareemay.

Ma jirto wax rasmi ah oo ka soo baxay dhinac booliiska ama dowladda Soomaaliya oo ku saabsan weeraradan.

Al-Shabaab ayaa boggeeda twitter waxay ku soo qortay in ciidankooda ay magaalada Muqdisho ka fulinayaan wax ay ku tilmaameen hawlgallo culus.