Kenya oo laga doodayo maxkamadda ICC

Kenyatta
Image caption Uhuru Kenyatta ayay maxkamadda ICC u haysataa dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Xubnaha barlamaanka Kenya ayaa ka doodi doono in Kenya ay ka baxdo xubinnimada maxkamadda dambiyada ee adduunka ee ICC.

Hoggaamiyaha isbahaysiga aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Bare Ducaale ayaa mudanayaasha barlamaanka isugu yeeray fadhigan.

Kulankan degdegga ayaa imaanayo iyadoo madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto la filayo inuu maxkamadda ka hormuuqdo isbuuca soo socda.

Ruto waxaa loo haystaa dambiyo ka dhan aadanaha oo la sheegay in la gaystay xilligii ay socdeen rabshadihii dalka ka dhacay doorashooyinkii 2007-da kaddib.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa isaguna hortagi doono maxkamadda bisha 11-aad ee sanadkan.

Labada mas'uul way iska fogeeyeen dambiyada lagu eedeeynayo.

Ururka Midowga Afrika ayaa horey ugu baaqay maxkamadda dambiyada ee addunka inay faraha ka qaaddo dacwadda ka dhanka ah madaxda Kenya.

Haddii baarlamaanku ansixiyo arrintan, Kenya waxay noqonaysaa dalka ugu horreeya ee ka baxa heshiiskii lagu dhisay maxkamaddaas.

Afhayeen u hadlay maxkamadda dambiyada ee adduunka ayaa sheegay in go'aanka noocaas ah uusan waxba u dhimi doonin dacwadaha ka socda maxkamadda.

Fadil Al Cabdalla waxaa uu sheegay in ay qaadan doonto muddo sanad ah in dowladaha horey u saxiixay heshiiska xubinnimada ay ka baxaan maxkamadda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan