Wasiirka gudaha Masar oo badbaaday

Qaraxa Masar
Image caption Qarax ayaa lala beegsaday wasiirka arrimaha gudaha ee Masar

Mas'uuliyiinta Masar ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday wasiirka arrimaha gudaha oo marayay meel u dhaw gurigiisa.

Maxamad Ibraahin ayaa lagu soo warramayaa inuu ka badbaaday weerarkaas.

Waxaa jira warar is khilaafsan oo ku saabsan sida uu u dhacay qaraxa lala beegsaday wasiirka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in baabuur lagu qarxiyay waddada uu marayay Maxamad Ibraahin.

Halka ay warar kalena sheegayaan in bambaano laga soo tuuray guri ka ag dhow halka uu qaraxa ka dhacay.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in boliisku dileen labo ka mid ah dadkii weerarka gaystay.

Waa isku daygii dil ee ugu horreyay ee lala beegsado mas'uul sare oo ka tirsan dowladda ay militerigu taageeraan ee Masar.

Militeriga Masar ayaa xilka ka tuuray madaxweynihii ugu horreyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorto, Maxamad Mursi.

Taageerayaasha Mursi oo ay hormuud ka yihiin ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ku gacanseyray tallaabadaas, waxayna dalkaas ka dhigayeen tdibedbaxyo ballaaran.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan