15 ayaa ku dhintay qaraxyada Muqdisho

Image caption 15 qof ayaa ku dhintay qaraxyada Muqdisho

Masuuliyiinta ammaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen laba qarax oo ka dhacay magaaalada Muqdisho. Ilaa 40 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay.

Qaraxyada ayaa waxay ka dhaceen maqaayadda Village oo labaduba ku yaal degmada Xamar weyne.

Qaraxa koowaad ayaa ahaa mid loo isticmaalay baabuur, halka kan labaad uu ahaa qof isku soo xiray waxyaabo qarxa oo isku dhex qarxiyay dadkii ka bedbaaday kii hore.

Goobtan qaraxyadu ka dhaceen ayaa ah meel hadda ka hor sidan oo kale loo weerarray.

Ma jiraan cid sheegatay weerarradan oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah oo isugu jira rag iyo haween.