William Ruto oo Hague la soo taagay

Image caption William Ruto waxaa loo heystaa inuu ku dambeeyay rabshadihii ka dhacay Kenya

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa ka sheegay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC in aanu wax danbi ah gelin.

Mr Ruto -- oo loo heysto inuu ka shaqeeyay rabshadihii ka dhacay dalka Kenya doorashooyinkii 2007 kadib ayaa waxa kale oo lala soo dacweeyay nin weriye ah Joshua Arap Sang.

Waxa uu noqonayaa Mr Ruto sarkaalkii ugu horreeyay ee isaga oo xil haya la horgeeyo maxakamadda ICC.

Waxaa sidoo kale isna dacwad loo heystaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa rabshadihii ka dhacay Kenya. Uhuru isna waa uu beeniyay inuu wax danbi ah leeyahay.

Dacwadda madaxda Kenya lagu qaadayo ayaa loo arkaa inay tahay mid muhiim ah oo tijaabo u ah awoodda maxkamadda ICC ee ah inay dacwad ku qaadi karto hoggaamiyayaal siyaasadeed.

Rabshadihii ka dhashay doorashooyinka lagu murmay ee Kenya ayaa waxaa ku dhintay in ka badan kun qof, in ka badan nus milyan qofna waa ay ku barakaceen.