Kerry oo ka digay ka jawaab la'aanta adeegsiga kiimikada

  • 9 Sebtembar 2013

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, John Kerry ayaa k in ka jawaabid la'aanta eedaynta isticmalka hubka kiimikada ee ciidamada Syria ay ka qatar badnaan doonto hadii aan tallaabo laga qaadin.

Isagoo ka hadlayay magaaladan London, goobtii ugu dambaysay ee uu ku maro safar diblomaasiyadeed oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo taageero qaadid tallaabo military, ayaa Mr Kerry uu ku dooday hadii aan tallaabo la qaadin in ay taasi fariin hambalyo ah u dirayso madaxwayne Asad -ka Syria, Iran iyo kooxda Xisbullah.

Waxay la mid tahay iyadoo la yiraahdo "nimanyahow wixii aad doontaan sameeya".

Wuxuu meesha ka saaray hanjabaadaha cusub ee aardgudaha ee madaxwayne Asad, isagoo yiri wuxuu taariikh u leeyahy in hadalkiisaba aan la rumaysan karin.

Wuxuu sheegay in xal siyaasadeed oo kaliya uu suurtagal ka noqon karo dalka Syria marka ay dhamaan kooxaha dalka Syria isla ogolaadeen in ay wadaxaajood galaan, taasna ma dhacayso marka adeegsiga hubka Kiimikada aan la ciqaabin.

Dhinaca kale Madaxwaynaha dalka Syria Bashar al-Asad ayaa sheegay in Maraykanka uusan cadayn u haynin uu ku taageero eedaha uu soo jeedinayo in Syria ay isticaashay hubka Kiimikada.

Waraysi uu saaka siiyay telefishinka Maraykanka ee CBS ayaa Mr Assad uu sheegay in Video la shaaciyay kadib weerka in uu dhacay loo hayso in ay yihiin kuwo aan wax cadayn ah noqon kari.